Tababaraha Liverpool oo taageerayaasha uga digay ka qeybgalka Alexander Isak
Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa ka hadlay xaaladda diyaar-garow ee ciyaaryahanka cusub Alexander Isak, ka hor kulanka ay Reds Axadda la ciyaari doonaan Burnley.
Isak oo ku soo biiray Liverpool maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga, ayaa dhawaan kasoo laabtay waajibaadkii xulka Sweden, balse waxa uu ka maqnaa xilli ciyaareedka diyaar-garowga iyo toddobaadyo tababar buuxa ah.
Wuxuuna hadda kaliya ku bilaabay tababarka xarunta Kirkby.
Slot ayaa ammaan u jeediyay macallinka xulka Sweden, Jon Dahl Tomasson, oo si taxadar leh u maamulay daqiiqadaha Isak intii lagu jiray isreeb-reebka Koobka Adduunka, isaga oo sheegay in ay ka hortagtay dhaawac culus.
Macallinka Liverpool ayaa taageerayaasha uga digay inaysan filan Isak inuu ciyaaro dhammaan daqiiqadaha kulamada, isagoo carrabka ku adkeeyay in weeraryahanku u baahan yahay waqti uu ku dhisto diyaar-garowgiisa kadib bilo uu ka maqnaa tababarka joogtada ah.
“Ha ka filanina inuu ciyaar kasta 90 daqiiqo ciyaaro toddobaadyada soo socda,” ayuu yiri Slot, isagoo xaqiijiyay in kooxda si tartiib tartiib ah ugu dari doonto garoomada.