Ra’iisulwasaaraha Qatar: “Dunidu ha joojiso laba-wejiilenimada, Israa’iilna waa in la ciqaabaa”
Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa ku baaqay Axaddii in beesha caalamku ay joojiso laba-wejiilenimada isla markaana ay ciqaabto Israa’iil, isagoo ku eedeeyay dambiyo culus oo ka dhan ah shacabka Falastiin.
Wuxuu hadalkan ka jeediyay shir hordhac ah oo looga diyaar garoobayay shir degdeg ah oo Carabta iyo Muslimks ah oo Qatar qabanayso, kadib markii Israa’iil ay duqeyn culus ku qaaday hoggaamiyayaal Xamaas ah oo ku sugnaa Doha.
Sheikh Mohammed ayaa sheegay in dagaalka baabi’inta ee ka socda Qasa uusan ujeedkiisu ahayn wax kale ee uu yahay ka saarida shacabka Falastiin dhulkooda, balse taasi aysan marnaba hirgeli doonin.
Qatar oo gacan ka geysata dhexdhexaadinta wadaxaajoodyada u dhexeeya Xamaas, Masar iyo Maraykanka, ayaa ballanqaadday in duullaanka Israa’iil uusan joojin doonin dadaalladeeda nabadeed.
Shirkan wasiirrada arrimaha dibadda ee Axadda ka dhacay Doha ayaa gogol-xaar u ah shir madaxeedka Isniinta, kaas oo looga hadlayo qaraar ka dhan ah duqeyntii Israa’iil ku qaadday Qatar.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Majed al-Ansari ayaa sheegay in shirku uu muujinayo midnimada Carabta iyo Muslimiinta, isla markaana uu yahay diidmo buuxda oo lagaga soo horjeedo waxa uu ku tilmaamay “argagixisada dowladeed ee Israa’iil.”
Xamaas-na waxay rajeysay in shirkan uu dhalin doono mowqif mideysan oo Arab iyo Muslim ah, iyo tallaabooyin cad oo lagaga falceliyo dagaalka iyo weerarrada Israa’iil.