Maamulka Waqooyi bari oo digniin u diray maamulka Somaliland.
1. Dawlad goboleedka Waqooyi Bari waxay ka digisa qorshe dagaal iyo dhaqdhaqaaqyo amni darro oo ka imanaya maamulka Hargeysa (Somaliland).
2. Dowladda Waqooyi Bari Somalia waxay sheegtay in ay ka go’an tahay ilaalada nabadda iyo shacabka deegaannadeeda.
3. Waxay masuuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhalata arrintan dusha ka saartay maamulka Hargeysa.
4. Waxaa loo baaqay beesha caalamka (QM, AU, IGAD, Jaamacadda Carabta) in ay si degdeg ah uga hortagaan khalkhalgelinta nabadda gobolka.
5. Waqooyi Bari waxay ku adkaysatay inaysan duullaan ku qaadi doonin deriskeeda, balse ay ka difaacan doonto dhulkeeda cid kasta oo ku soo xadgudubta.
