Iiraan oo Tijaabooyin Gantaal Ballistic ah Sameysay Iyadoo Xiisad Cusub oo Israel la Leh ay Soo Kordheyso.
Iiraan ayaa sameysay tijaabooyin gantaallo ballistic ah oo socday in ka badan afar saacadood, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda Iiraan.
Tijaabooyinkan ayaa imaanaya iyadoo xiisado milatari iyo dhaqdhaqaaqyo ballaaran ay ka socdaan gudaha dalka, gaar ahaan saldhigyada ciidanka.
Ma cadda weli in gantaallada la tijaabiyay ay yihiin kuwa cusub oo la soo saaray ama haddii ay yihiin tijaabooyin lagu celinayo noocyadii hore.
Tani waxay daba socotaa hadal dhawaan kasoo yeeray taliyaha guud ee ciidamada Iiraan, kaasoo sheegay inay soo saareen gantaallo leh awood burburin oo ka sareysa kuwii ay horey ugu adeegsadeen dagaalkii ay la galeen Israa’iil.
Tijaabooyinkan ayaa dhacaya xilli saldhigyo badan oo ciidan oo Iiraan ah laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo diyaar-garow, taasoo muujinaysa suurtagalnimada in laga cabsi qabo dagaal cusub.
Dhanka kale, guddi ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub oo qaabilsan amniga ayaa toddobaadkan sheegay in xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Israa’iil ay mar kale cirka isku shareertay, ayna u dhowdahay inuu qarxo dagaal ka xoog badan kii 12-ka maalmood socday ee hore.
Telefishinka Ruushka ee RT ayaa sidoo kale soo xigtay warbixintaas, isagoo muujiyay walaaca sii kordhaya ee laga qabo in mar kale uu guban karo Bariga Dhexe.
Iiraan kama aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan gantaallada la tijaabiyay ama ujeeddada rasmiga ah ee tijaabooyinkan. Si kastaba ha ahaatee, waqtiga ay dhacayaan iyo baaxadda howlgalku waxay su’aalo badan ka keenayaan caasimadaha reer Galbeedka iyo Tel Aviv — iyagoo ka walaacsan in tani ay calaamad u tahay isbeddel milatari ama bilowga wejigii xigay ee colaadda gobolka.
Beesha caalamka ayaa si dhow ula socon doonta waxa xiga, iyadoo isha lagu hayo haddii Iiraan ay doonayso in ay kor u qaaddo awooddeeda milatari ama haddii tan lagu tilmaami karo billowga dagaal hor leh.