Imaaraadka Carabta oo Visa-ha Shaqada iyo Dalxiiska Ka Mamnuucay Muwaadiniinta 10 Dal
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Visa-ha shaqada iyo dalxiiska u diiday muwaadiniinta u dhashay Uganda, Afghanistan, Libya, Yemen, Somalia, Lebanon, Bangladesh, Cameroon, iyo Sudan, sida lagu sheegay wareegtada cusub ee socdaalka ee dhowaan soo baxday.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah siyaasadda socdaalka ee Imaaraadka, iyadoo la raacayo habraacyo cusub oo lagu xadidayo gelitaanka qaar ka mid ah dalalka qaaradda Afrika, Aasiya, iyo Bariga Dhexe.