Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Israa’iil oo Taangiyo ku Fidisay Xaafado Cusub Qasa.

Israa’iil oo Taangiyo ku Fidisay Xaafado Cusub Qasa.

 Gawaari dagaal oo Israa’iili ah, oo ay ku jiraan taangiyo, ayaa ku sii fiday degmooyin cusub oo waqooyi-galbeed Magaalada Qasa ah, sida ay sheegayaan warbixino maxalli ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in taangiyada ay gudaha ugu jireen boqolaal mitir xaafadda al-Saftawi iyo halka uu ku dhammaado waddada Jala Street.

Gawaari culus oo ay ka mid yihiin qodayaal iyo bulldosaro ayaa sidoo kale howlo burburin ka fuliyay agagaarka Karameh Towers iyo xaafadda Mukhabarat.

Milatariga Israa’iil ayaa soo saaray sawirro iyo muuqaallo muujinaya taangiyada iyo gaadiidka dagaalka oo ku sugan xaafadda al-Saftawi iyo dhammaadka wadada Jala .

Weerarkan cusub ayaa qayb ka ah ol’ole ballaaran oo lagu doonayo in lagu xoojiyo oo lagu balaariyo gacanta Israa’iil ee Qasa. Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in Israa’iil dib u qabsan doonto guud ahaan Marinka Qasa.