Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Abaabul Siyaasadeed oo ka socda Mareykanka.

Abaabul Siyaasadeed oo ka socda Mareykanka.

Xildhibaano Soomaaliyeed oo ku sugan Mareykanka oo Abaabulaya Bannaanbaxyo ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

Koox xildhibaano ah oo ay kamid yihiin Jeesow iyo Yuusuf Gamaadiid, iyo laba xildhibaan oo kale oo haatan ku sugan dalka Mareykanka, ayaa bilaabay olole abaabul siyaasadeed oo ay la beegsanayaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool gobollo badan oo Mareykanka ah.

Abaabulkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo bannaanbaxyo muujinaya mucaaradnimo ka dhan ah qaabka hoggaamineed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Bannaanbaxyadan ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan magaalooyin ay ku badan yihiin Soomaalida, waxaana abaabulayaashu sheegeen inay doonayaan in cod dheer lagu muujiyo sida ay uga soo horjeedaan “maamul xumo iyo kaligii-talisnimo” ay ku eedeeyeen Madaxweynaha.

Abaabulkan siyaasadeed ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu Axadda ku wajahan yahay Mareykanka si uu uga qayb galo shirar heer caalami ah oo muhiim ah.

Dhanka kale, isla maalinta Axadda ah, magaalada Muqdisho waxaa ka furmaya Madasha Samata-bixinta Qaranka oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madashan ayaa isu keenaysa siyaasiyiin mucaarad ah oo doonaya inay soo bandhigaan aragti kale oo ku saabsan sida dalka loo hagi karo.

Falanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa tilmaamaya in waqtiga ay ku beegan yihiin bannaanbaxyada Mareykanka iyo shirkan ka dhacaya Muqdisho uu noqon karo qorshe si isugu xiran loogu wiiqayo taageerada Madaxweyne Xasan Sheekh gudaha dalka iyo dibaddaba.

Ilaa hadda, dowladda Soomaaliya kama aysan bixin wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan abaabulka bannaanbaxyada ama shirarka mucaaradka.