Guardiola: “Arsenal Waa Kooxda Ugu Adag Yurub” Ka Hor Kulanka Man City
Pep Guardiola ayaa ku ammaanay Arsenal, isagoo ku tilmaamay “kooxda ugu adag” Yurub ka hor kulanka adag ee Premier League ay Axadda la ciyaarayaan Manchester City.
Labada koox ayaa kulanka soo galaya iyaga oo guulo ka keenay Champions League bartamihii todobaadka. City ayaa ku dhibtooday inay Arsenal ka adkaato afartii kulan ee ugu dambeeyay, waxaana bishii February Gunners ku garaaceen 5-1.
Guardiola ayaa sheegay in guuldarradii hore ay “u fududeysay” Arsenal, isagoo ku eedeeyay kooxdiisa inay ciyaarta ka baxeen qorshaha.
Si kastaba, wuxuu ku booriyay ciyaartoydiisa inay xilli ciyaareedkan sameeyaan tartan adag, isagoo amaanay Mikel Arteta iyo sida uu u dhisay koox xoog leh.
“Arsenal waa koox aan la rumeysan karin, mid ka mid ah kuwa ugu adag Yurub waqtigan,” ayuu yiri Guardiola.