Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyey Xiddigta Feerka Caalamiga Ah Ramla Cali
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada qaranka ku qaabilay xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Marwo Ramla Cali, oo dalkeenna ku metasha ciyaaraha feerka caalamiga ah.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka iyo dadaalka Ramla Cali, isaga oo ku amaanay dhabar-adeygkeeda iyo sida ay u matasho qarankeeda, wuxuuna ku tilmaamay astaan dhiirrigelin iyo midnimo oo ay ku faani karaan shacabka Soomaaliyeed.
Intaasi kadib, Madaxweynaha ayaa Ramla Cali guddoonsiiyey shahaado sharaf, isaga oo uga mahadceliyey dadaalkeeda, sumcadda ay dalka u soo hoysay, iyo kaalinta ay ku leedahay dhiirrigelinta horumarinta ciyaaraha Soomaaliya.