Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Qatar iyo Imaaraadka oo Diiday Qorshe ay Masar Ku Soo Jeedisay Ciidan Carbeed oo La Mid ah NATO

Qatar iyo Imaaraadka oo Diiday Qorshe ay Masar Ku Soo Jeedisay Ciidan Carbeed oo La Mid ah NATO

Dooxa – Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa si cad uga hor yimid qorshe ay Masar ku soo bandhigtay shirkii Dooxa, kaasoo la xiriiray in dalalka Carabta ay yeeshaan ciidan mideysan oo u diyaarsan difaac iyo weerar, isla markaana leh qaab-dhismeed u dhigma isbahaysiga NATO.

Qorshaha Masar ayaa ujeeddadiisu ahayd in la sameeyo awood ciidan oo Carbeed oo isku dhafan, si ay uga jawaabto khataraha amni ee gobolka, ayna u awoodaan difaaca danaha guud ee Carabta.

Hase yeeshee, Qatar iyo Imaaraadka ayaa ka biyo diiday arrintan, iyagoo muujiyay walaac ku saabsan saameynta siyaasadeed iyo millatari ee ka dhalan karta hirgelinta qorshahan.

Diidmada labada dal ayaa horseeday in qorshihii Masar uusan helin taageeradii loo baahnaa si loo dhaqangeliyo, taasoo markale muujisay kala aragti duwanaanta ka jirta dalalka Carabta marka ay timaado iskaashi amni oo ballaaran.

Weli lama oga haddii wadahadalladu ay sii socon doonaan iyo in la heli doono hannaan cusub oo lagu mideeyo awoodda ciidan ee Carabta.