Dowladda Masar ayaa mar kale ku celisay taageeradeeda buuxda ee amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyada oo muujisay go’aankeeda ah inay sii xoojiso xiriirka istiraatiijiyadeed ee kala dhexeeya dowladda Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa war-saxaafadeed ku ammaanay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta sharciga iyo la dagaallanka argagixisada. Waxay sidoo kale xaqiijisay ka-qaybgalka Masar ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasilloonida Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo lagu beddelay hawlgalkii hore ee ATMIS.
Ciidamo Masri ah ayaa la filayaa inay gaaraan Soomaaliya dhowaan, kuwaas oo hoos imanaya awaamiirta Midowga Afrika, si ay uga qayb qaataan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Masar iyo Soomaaliya ayaa sare u qaaday xiriirkooda bishii Janaayo 2024, intii lagu guda jiray booqashadii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay Qaahira, iyaga oo xiriirkooda u beddelay iskaashi istiraatiiji ah.
Bishii Agoosto 2024, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis iskaashi militari, halka bishii xigtay Masar ay gaarsiisay Soomaaliya gargaar militari si loo xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya.
Masar waxay sheegtay inay sii wadayso tallaabooyin dhab ah oo lagu xoojinayo xiriirka istiraatiijiyadeed, dhaqaale, iyo dhaqan ee ay la leedahay Soomaaliya, si labada dhinac ay uga faa’iideystaan fursadaha baaxadda leh ee jira una helaan horumar iyo xasillooni waarta.


