Troy Deeney Oo Saadaashiisa Ku Kala Dhex Yaacay Kulanka Arsenal Iyo Man City.
Halyeeygii hore ee Watford, Troy Deeney, ayaa saadaal ka bixiyay kulanka weyn ee Premier League ee Axadda dhex mari doona Arsenal iyo Manchester City garoonka Emirates Stadium.
Labada kooxoodba waxay ciyaarta soo galayaan iyadoo ay wataan natiijooyin wanaagsan, Arsenal ayaa 2-0 kaga adkaatay Athletic Club tartanka Champions League, halka Man City ay isla natiijadaas kaga badiyeen Napoli garoonka Etihad.
Markii hore, Deeney wuxuu sheegay in City ay 2-1 ku badin doonto, balse goor dambe ayuu ka noqday isagoo sheegay in Arsenal ay guul 2-1 ah gaari doonto, isagoo tilmaamay in City ay dhibaato ku qabaan xaaladaha kubbadaha taagan inkastoo ay haystaan goolhaye xoog leh sida Gianluigi Donnarumma iyo khad dhexe oo awood badan.
“Waxaan dhihi lahaa 2-1 City. Maya, dhab ahaantii waan beddelayaa — 2-1 Arsenal,” ayuu u sheegay The Football Exchange.
Si kastaba ha ahaatee, ugu dambayn ayuu ku laabtay saadaashiisii hore, isagoo yiri: “Ma ogtahay? Waan ku noqday fikraddii hore — City ayaa 2-1 ku badin doonta!”
Kulankan ayaa u muuqda mid adag oo xitaa khubaradu ay ku kala aragti duwan yihiin natiijadiisa.