DEG-DEG: Darawal Gaari oo $1 Dartii Lagu Dilay Gubadleey, Muqdisho
– Wararka ka imanaya degmada Kaaraan ayaa sheegaya in darawal gaadiid lagu dilay bar-kontarool ku yaalla deegaanka Gubadleey, kadib muran ka dhashay lacag dhan hal doolar.
Ehelada marxuumka iyo goob-joogeyaal ayaa sheegay in askar joogtay barta lagu hubiyo gaadiidka ay ku amreen darawalka inuu bixiyo $1, balse markii uu ka biyo diiday ay halkaasi ku dileen.
Askarigii falka geystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday, halka meydka marxuumkana uu muddo saacado ah yaallay barta hubinta.
Weli kama aysan hadlin saraakiisha ammaanka ee degmada iyo gobolka.