Gary Neville Oo Donnarumma Ku Tilmaamay “Xayawaan Dhab Ah”
Halyeeyga Manchester United, Gary Neville, ayaa sheegay in Gianluigi Donnarumma uu ka sarreeyo goolhayeyaasha kale ee Premier League, isaga oo Goolhayaha reer Italy ku tilmaamay “xayawaan dhab ah.”
Neville ayaa hadalkan ka yiri barnaamijkiisa Sky Sports Podcast kadib ciyaartii barbaraha 1-1 ahayd ee Arsenal iyo Manchester City Axaddii.
Wuxuu intaa ku daray in Donnarumma uu yahay goolhaye xoog badan oo weeraryahanada ka dhigta kuwo ka fikira marka uu u soo dhawaado, isagoo xusay in uu ka doorbido David Raya iyo Alisson.