Jamie Carragher Oo Dhaleeceeyay Qaab Ciyaareedka Arteta
Xiddigii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa si adag u dhaleeceeyay Mikel Arteta, isagoo sheegay in qaab ciyaareedkiisa taxaddarka badan uu caqabad ku noqon karo guusha Arsenal ee horyaalka Premier League.
Carragher ayaa tilmaamay in Arteta marar badan ku celceliyo qalad isku mid ah, gaar ahaan marka uu doorto saddexda khad dhexe ee taxaddarka badan: Declan Rice, Martin Zubimendi, iyo Mikel Merino.
Arsenal ayaa barbaro 1-1 ah la gashay Manchester City Axaddii, iyadoo Carragher uu sheegay in taxaddarka xad-dhaafka ah uu mar kale ka qaadi karo kooxda horyaalka.
Carragher ayaa yiri:
“Mikel Arteta wuxuu haystaa koox iyo kayd aad ugu dhow inay noqdaan kuwo gaar ah — xagga ku guuleysiga Premier League, xitaa Champions League.
Laakiin mar walba marka ay timaado kulamada waaweyn, wuxuu doortaa koox u muuqata mid uu ka fekerayo sida uu uga hortegi lahaa kooxda kale. 45-kii daqiiqo ee hore waxay ahaayeen waqti khasaaray.”
Wuxuu intaa ku daray in qaab taxaddar leh mararka qaar lagu guuleysto horyaalka, sida uu Jose Mourinho ku guuleystay saddex jeer, balse koox ahaan ay u baahan yihiin in ay yeeshaan kalsooni iyo weerar firfircoon.