Ruushka: Xalka Laba Dowladood Waa Habka Keliya ee Lagu Xallin Karo Khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.
Ruushka ayaa ku celiyay in xal laba dowladood ah uu yahay habka keliya ee macquulka ah ee lagu dhammeystiri karo khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin, sida uu sheegay afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii Britain, Canada, Australia iyo Portugal ay Falastiin u aqoonsadeen dal madax-bannaan.
Mawqifyada kala duwan:
• Ruushka: Taageeraya xal laba dowladood ah.
• Galbeedka (UK, Canada, Australia, Portugal): Aqoonsaday Falastiin si ay u xoojiyaan xal laba dowladood ah.
• Israa’iil: Ka soo horjeeda aqoonsiga Falastiin, iyadoo qorsheyneysa inay dhul ka mid ah Daanta Galbeed ku darsato.
• Maraykanka: Ka digaya cawaaqib ka dhan ah Israa’iil haddii waddamo kale qaadaan tallaabooyin aqoonsi ah.
Dagaalka Gaza ayaa oo weli socda,ayaa lagu dilay ku dhowaad 65,200 Falastiiniyiin ah iyo iyadoo in ka badan 166,000 lagu dhaawacay.