Madaxweyne Xasan sheekh Oo Ka Qeyb Galaya shirka Asteynta Dowladnimada Falastiin.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir caalami ah oo looga hadlayay aqoonsiga dowladnimada Falastiin iyo xaqiijinta xuquuqdooda taariikhiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad jeediyay, ayaa ku adkeystay mowqifka Soomaaliya ee taageerada Falastiin, isagoo xusay in Soomaaliya ahayd mid ka mid ah dalalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday dowladnimada Falastiin. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya mar walba garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Falastiin.
Shirka ayaa ka soo qeyb-galay madaxda dalal badan oo muujiyay taageeradooda ku aaddan xaqa shacabka Falastiin u leeyihiin dowlad madax-bannaan oo caasimaddu tahay Bariga Qudus. Waxaa lagu soo gabagabeeyay baaq caalami ah oo dalalka dunida lagu booriyay inay si rasmi ah u aqoonsadaan dowladnimada Falastiin.