Ousmane Dembélé oo ku guuleystay Ballon d’Or 2025 ayaa amaanay da’yarka Barcelona Lamine Yamal
Xiddiga Paris Saint-Germain Ousmane Dembélé, oo ku guuleystay Ballon d’Or 2025, ayaa amaan u jeediyay Lamine Yamal intii lagu guda jiray xafladda abaalmarinta ee ka dhacday Paris.
Dembélé ayaa sheegay in tartankii uu kula jiray Yamal uu ahaa mid qurux badan, isagoo ku tilmaamay ciyaaryahan heer sare ah oo mustaqbal ifaya leh.
Wuxuu ku adkeystay inuu aaminsan yahay in da’yarku mustaqbalka ku guuleysan doono Ballon d’Or iyo koobab kale oo waaweyn.
Hadalladan ayaa yimid kadib xilli ciyaareed taariikhi ah oo uu Dembélé hoggaamiyay PSG, isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay afar koob oo waaweyn oo ay ku jirto Champions League-giisii ugu horreeyay.
Dhankiisa, Yamal ayaa ku dhammeystay kaalinta labaad ee Ballon d’Or 2025, isla markaana ku guuleystay Kopa Trophy markii labaad oo xiriir ah.