Chelsea iyo Brighton oo caawa ku kulmaya Stamford Bridge kulan adag oo Premier League ah
Kooxda Chelsea ayaa caawa garoonkeeda Stamford Bridge ku martigelinaysa Brighton kulan ka tirsan Premier League. Blues ayaa u baahan guul si ay uga soo kabtaan guuldaradii toddobaadkii hore, halka Brighton oo ku jirta qaab ciyaareed fiican ay dooneyso inay guul kale ka gaarto kooxda Chelsea.
Chelsea ayaa badisay sagaal ka mid ah 12-kii kulan ee ay garoonkeeda kula ciyaartay Brighton, halka Brighton ay saddex jeer ka badisay lixdii kulan ee ugu dambeysay ee horyaalka ay la ciyaartay Blues.
Labada kooxood ayaa soo bandhigaya qaab ciyaareed kala duwan, iyadoo ciyaartan loo arko mid xasaasi ah oo saameyn ku yeelan karta tartanka horyaalka.
Kulanka: Chelsea vs Brighton
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 5:00
Garoonka: Stamford Bridge