Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Premier League: Man United oo doonaysa guusheedii labaad oo xiriir ah, Brentford-na ku han weyn inay hakiso

Premier League: Man United oo doonaysa guusheedii labaad oo xiriir ah, Brentford-na ku han weyn inay hakiso

Kooxda Manchester United ayaa maanta booqanaysa Brentford kulan ka tirsan Premier League, iyadoo Red Devils ay doonayso guusheedii labaad oo xiriir ah kadib guushii ay toddobaadkii hore gaareen. Dhanka kale Brentford ayaa rajaynaysa inay ka hor istaagto United guulo xiriir ah oo uu hogaamiyo tababaraha Amorim.

Brentford ayaa badisay laba ka mid ah saddexdii kulan ee ugu dambeysay ee ay garoonkeeda ku qaabishay United, halka Red Devils aysan guul ka gaarin todobadii kulan ee ugu dambeysay ee horyaalka ay marti ahaayeen. Kulankan ayaa loo arkaa mid adag oo taariikh ahaan xasuus leh labada kooxoodna.

Kulanka: Brentford vs Manchester United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 2:30

Garoonka: Gtech Community Stadium