Gary Neville: Arsenal Hadda Waxay Haysataa Kooxda Ugu Fiican Premier League
Difaacii hore ee Manchester United iyo England, Gary Neville, ayaa aaminsan in Arsenal ay haatan haysato ciyaartoyda ugu fiican Premier League isla markaana ay xitaa dhaafi karto kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liverpool.
Neville oo ka hadlayay guushii soo laabashada 2-1 ee Arsenal ka gaartay Newcastle ayaa sheegay in guushaasi ay muhiim u ahayd Gunners isla markaana ay saameyn weyn ku yeelan karto tartanka horyaalka xilli ciyaareedkan.
Wuxuu ku adkaystay in kaliya laba kooxood ay si dhab ah ugu tartami karaan horyaalka xilli ciyaareedkan: Liverpool iyo Arsenal, isagoo amaanay kooxda uu hogaamiyo Mikel Arteta inay tahay “koox cajiib ah” oo awood u leh inay horyaalka qaaddo.