Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Xavi Oo Lala Xiriirinayo Shaqada Manchester United Iyadoo Cadaadis Saaran Yahay Ruben Amorim

Xavi Oo Lala Xiriirinayo Shaqada Manchester United Iyadoo Cadaadis Saaran Yahay Ruben Amorim

Warar ayaa sheegaya in halyeeyga Barcelona, Xavi, uu xiiseynayo inuu beddelo tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, kaas oo wajahaya cadaadis sii kordhaya kadib bilow liita oo xilli ciyaareedka ah.

United ayaa guuleysatay kaliya labo kulan oo ka mid ah toddobadii kulan ee ugu horreeyay Premier League, iyadoo guuldaradii 3-1 ee Brentford ay ku dhigtay kaalinta 14-aad.

Tan iyo markii uu xilka ka beddelay Erik ten Hag bishii November, Amorim waxa uu helay kaliya 33 dhibcood 34 kulan, welina ma guuleysan labo kulan oo xiriir ah.

Qayb ka mid ah taageerayaasha United iyo ciyaaryahankii hore ee England Joe Cole ayaa dalbaday in Amorim shaqada laga eryo, iyadoo magacyada Gareth Southgate, Oliver Glasner iyo Andoni Iraola lala xiriiriyay shaqada tababarenimada.

Si kastaba, BBC Sport ayaa sheegtay in maamulka Manchester United ay weli taageero buuxda siiyaan Amorim, ayna aaminsan yihiin inuu xaq u leeyahay inuu dhammeysto xilli ciyaareed dhan si uu u cadeeyo kartidiisa, inkasta oo natiijooyinka liitay ay sababeen niyad-jab sii kordhaya.