Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Hugo Ekitike: Waxaan Doorbiday Liverpool Sababo Taariikhi iyo Premier League ah

Hugo Ekitike: Waxaan Doorbiday Liverpool Sababo Taariikhi iyo Premier League ah

Weeraryahanka reer France Hugo Ekitike ayaa sheegay sababta uu u doortay Liverpool halkii uu ka aqbali lahaa dalabyadii Manchester United iyo Newcastle.

Ekitike, oo £69 milyan ugu wareegay Anfield bishii July kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu 22 gool u dhaliyay Eintracht Frankfurt, ayaa sheegay inuu doortay Liverpool sababo la xiriira taariikhda weyn, ciyaartoyda heerka sare ah iyo xaqiiqda ay difaacayaan horyaalka Premier League.

 Wuxuu intaas ku daray in ku biirista Liverpool ahayd “xulashadii ugu fiicneyd” isla markaana uu doonayay inuu la shaqeeyo tababare Arne Slot.