War Deg Deg ah: Hal Qof Lagu Dilay, Midna Lagu Dhaawacay Deegaanka Xera Lo’aad ee Gobolka Galgaduud
Deegaanka Xera Lo’aad oo hoostaga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta ka dhacay dil iyo dhaawac uu geystay nin hubeysan.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in gacan ku dhiigluhu marka hore dilay nin deegaanka ah, kadibna dhaawacay mid kale oo qaraabo la ahaa marxuumka, xilli uu isku dayay in uu soo qabto dambiilaha.
Ciidamada booliiska degmooyinka Cadaado iyo Godinlabe ayaa si degdeg ah ugu baxay goobta, iyagoo hadda wada dadaallo lagu dejinayo xaaladda loona raadinayo gacan ku dhiiglaha.
Waxaa la filayaa in booliisku ka hadlaan faahfaahinta dhacdadan iyo tallaabada laga qaadi doono eedeysanaha.