Paul Merson oo dhaleeceeyay Benjamin Sesko iyo Manchester United
Ciyaaryahankii hore ee Arsenal, Paul Merson, ayaa dhaleeceeyay weeraryahanka Manchester United, Benjamin Sesko, isaga oo ku adkeystay in Red Devils ay ahayd inay lasoo saxiixdaan Jean-Philippe Mateta oo Crystal Palace u ciyaara intii ay keeni lahaayeen Sesko.
Merson ayaa The Good, The Bad & The Football podcast ku sheegay in Sesko uusan gool dhalin karin haddii kubbadaha loo keenin garbaha, isagoo ku tilmaamay Mateta ciyaaryahan xoog badan oo halis abuur ah.
Sesko, oo 22 jir ah, ayaa xagaagii ka yimid RB Leipzig, hase yeeshee xilli-ciyaareedkan wuxuu kaliya hal gool ka dhaliyay lix kulan oo uu u saftay Manchester United.