Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Xavi Hernandez: “Lamine Yamal waa inuu ku guuleystaa Champions League ama Koobka Adduunka si uu u helo Ballon d’Or”

Xavi Hernandez: “Lamine Yamal waa inuu ku guuleystaa Champions League ama Koobka Adduunka si uu u helo Ballon d’Or”

Tababarihii hore ee Barcelona, Xavi Hernandez, ayaa sheegay in da’yarka reer Spain ee Lamine Yamal uu qasban yahay inuu ku guuleysto Champions League ama Koobka Adduunka si uu u helo abaalmarinta Ballon d’Or mustaqbalka dhow.

Xavi oo la hadlayay wargeyska Marca ayaa muujiyay kalsooni buuxda oo uu ku qabo Yamal, isagoo tilmaamay inuu yahay ciyaaryahan leh mustaqbal weyn, balse koobabka kooxeed ay yihiin kuwa go’aamiya guusha abaalmarintan.

Yamal ayaa xilli ciyaareedkan ku dhammeystay kaalinta labaad ee Ballon d’Or 2025, halka guuleystaha sannadkan uu noqday Ousmane Dembélé.

Xavi ayaa sidoo kale sheegay in ciyaartoyda Vitinha, Mohamed Salah, Pedri, iyo Raphinha ay dhammaantood mudan yihiin inay ku guuleystaan Ballon d’Or, balse uu rumeysan yahay in Yamal uu mustaqbalka dhow qaadi doono abaalmarintaas marka kooxdiisu gaarto guulo waaweyn.