Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Glenn Hoddle: Arsenal Weli Ma Haystaan Weeraryahan Lambarka 9-aad oo Lagu Kalsoonaan Karo

Glenn Hoddle: Arsenal Weli Ma Haystaan Weeraryahan Lambarka 9-aad oo Lagu Kalsoonaan Karo

Tababarihii hore ee Premier League, Glenn Hoddle, ayaa sheegay in Arsenal ay mar kale ku fashilmi karto hanashada horyaalka inkasta oo ay haystaan “qalabkii oo dhan” si ay ugu guuleystaan.

Hoddle ayaa aaminsan in kooxda wali ka maqan tahay weeraryahan dhexe oo lagu kalsoonaan karo, isagoo shaki ka muujiyey Viktor Gyökeres oo xagaagii kasoo biiray Sporting CP.

Inkasta oo Arsenal 2-0 ku garaacday West Ham, goolashaas waxaa dhaliyay Declan Rice iyo Bukayo Saka, halka Gyökeres uusan wax saameyn ah ku yeelan weerarka.

“Arsenal waxay haysataa difaac adag iyo hal-abuur weerar, balse waxa kaliya ee wali ka dhiman waa weeraryahan lambarka 9-aad oo joogto ah goolasha keena,” ayuu yiri Hoddle.

Guushaas ayaa Gunners hal dhibic ka sare marisay Liverpool, balse weli waxaa taagan shaki ku saabsan awoodda weerarka kooxda.