Xog cusub oo laga helay gaarigii lagu weeraray Godka Jilacow
Gaariga ay Al Shabaab ku weerartay Godka Jilicow, waxaa ku buufsanayaa Shaabadda lagu xardho gaadiidka Hay’adda NISA sida laga daalacday kaamerooyinka ku xirnaa jidadkii uu maray ee magaalada Muqdisho.
Gaariga ayaa ka soo tillaabay dhowr Koontorool, wuxuuna ugu danbeyn Ragan geliyey gudaha Godka, halkaasoo ilaa iyo xalay saqdii dhexe ay ka dhex dagaallamayeen.
Waxaa la is weydiinayaa gaariga inuu qeyb ka yahay kuwii ay Al Shabaab ku furteen weeraradii ay dhawaan soo qaadeen iyo inuu yahay mid ay iyagu u ekeysiiyeen gaadiidka NISA.
Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu labo jeer isku dayey inuu galo xeyndaabka Villa Somalia hase ahaatee waxaa dib u soo celiyey ilaalada madaxtooyada oo ku xujeeyey iney cadeeyaan ujeedkooda, lana xiriiriyaan saraakiisha soo amartay.
Markii ay suurageli weysay iney galaan villa Somalia ayaa kooxda la socotay gaariga waxay bartilmaameedkooda u weeciyeen godka Jilacow.
Si kastaba tallaabadan ayaa muujineysa in ay kooban tahay feejignaanta ciidamada jooga Baraha Koontool ee laga ilaaliyo amniga Caasimada
