Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Iran Oo Ka Xumaatay Cunaqabateynta Turkiga

Iran Oo Ka Xumaatay Cunaqabateynta Turkiga

Tehran ayaa ku dhawaaqday inay ka xun tahay tallaabooyinka uu Turkigu qaaday ee lagu cunaqabateynayo shirkadaha Iiraan, taas oo ay ku tilmaantay mid lagu taageerayo reer galbeedka.

Wakaaladda wararka Mehr ayaa soo xigatay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan, Esmail Baghaei, oo sheegay in cunaqabateyntan ay qayb ka tahay dib usoo celinta xayiraadaha golaha ammaanka ee saaran dalkaasi.

Iiraan ayaa ku eedeysay Ankara inay ku biirtay cadaadiska reer galbeedka, xilli xiisadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ay sii kordhayaan.