Wadahadaladii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Axmed Madoobe uu kusoo dhamaaday natiijo La’aan.
Waxaa gabi ahaanba natiijo la’aan ku soo dhamaaday wadahadaladii u dhaxeeyay MD XSM iyo Axmed Madoobe, wafdiga Madaxwayne Xassan Shiikh ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho halka Nuuradiin agaasimihii sirdoonka Kenya uu isna ka ambabaxayo magaalada Kismaayo.
Lama oga go’aanka rasmiga ah ee uu qaadan doono MD Xassan Shiikh Maxamuud, waxaase shaki ku jirin dhismaha Jubbalandta cusub in dib boorka looga jafi doono.
Labada dhinac ayaa kala watay qorshe hore loo ogaa in aanay ku heshiin karin, kaas oo ahaa in Axmed Madoobe ka laabto doorashadiisii, dibna ugu soo laabto wadahadaladii golaha wadatashiga qaranka, halka Axmed Madoobi doonayay in shantiisa sano loo caleema saaro.
Maxay noqon doontaa mawqifka ay arrintaan ka qaadan doonto dawladda Kenya iyo Itoobiya? Halkeese ku danbayn doonaa codsigii MD Xassan Shiikh ee ahaa in Kenya iyo Itoobiya ay faragalinta ka daayaan Soomaaliya oo aanany dalkooda gabaad ku siinin mucaaradka DFS?.