Dhismaha maamul cusub oo Jubbaland ah,oo Muqdisho ka socda
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu fasax rasmi ah siiyay kooxdiisa siyaasadeed si ay u dardargeliyaan dhismaha maamul cusub oo Jubbaland ah, kaas oo caasimaddiisu tahay magalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo kooxdiisu ay ku heshiiyeen in aan waxba laga beddelin dastuurka, qaab-dhismeedka maamulka, iyo tirada xildhibaannada Jubbaland, balse maamulka cusub lagu dhisayo Garbahaarey uu yeesho waji cusub,Beel Cusub, iyo hogaanno cusub oo si dhow ula shaqeeya Villa Somalia, gaar ahaan mashruuca doorashada “Qof iyo Cod” ee uu madaxweynuhu hormuudka u yahay.
Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in haddii tallaabadan la qaadi lahaa toban bilood ka hor, xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland maanta ay noqon lahayd mid ka duwan, isla markaana aan loo baahdeen in si toos ah Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe loo kala dabqaado; balse ay jiri lahaayeen laba maamul oo kala madaxbannaan – mid ku saleysan Kismaayo, iyo mid cusub oo ku dhisan Garbahaarey.
Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay qayb ka tahay dadaallada dowladda Federaalka ee lagu doonayo in dib loogu soo celiyo maamulka Gedo gacanta dowladda dhexe, isla markaana lagu xoojiyo qorshaha doorashooyinka guud ee dalka.