Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Deg-Deg War hada soo dhacey Maxaa ku soo kordhay wadahadallada aan tooska aheyn ee ka socda Masar?

Deg-Deg War hada soo dhacey Maxaa ku soo kordhay wadahadallada aan tooska aheyn ee ka socda Masar?

Xamaas ayaa maanta gudbisay liiska maxaabiista ay dooneyso in lagu soo daayo marka ay Israa’iil isweydaarsanayaan maxaabiista, iyadoo sheegtay inay rajo wanaagsan ka qabto wadahadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Qaza.

Dhinaca kale, wiilka uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump soddoga u yahay iyo ergayga Trump ee Bariga Dhexe ayaa gaaray Masar iyagoo ku biiraya wadaxaajoodyada socda.

Wadahadallada dadban ayaa diiradda saaraya habraacyada lagu joojinayo dagaalka, ka bixitaanka ciidammada Israa’iil ee Qaza, iyo heshiiska is-weydaarsiga maxaabiista, sida ay sheegtay Xamaas, taasoo tilmaantay in ay marayaan marxalad rajo leh oo ay diblomaasiyaddu ku dhowdahay in ay xabbadda joojiso.

Si kastaba ha ahaatee, arrinta ugu adag ee wali taagan waa cadaadiska lagu saarayo Xamaas inay hubka dhigto — taasi oo ay weli ka biyo-diiddan tahay in laga hadlo, sida uu Reuters u sheegay il wareed Falastiini ah oo ku dhow wadahadallada ka socda magaalada xeebta ah ee Sharm el-Sheikh.