Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Pakistan oo caawa qaaday Howgal culus

Pakistan oo caawa qaaday Howgal culus

Dowladda Pakistan oo caawa fulisay duqeymo culus oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Kabul, dalka Afghanistan, ayaa bartilmaameedsatay hoggaamiyaha kooxda Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP), Noor Wali Mehsud.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in hoggaamiyaha TTP uu ka badbaaday duqaynta, inkasta oo ilo kale sheegayaan in uu ku dhintay weerarka ay fulisay Pakistan.

Weerarkan ayaa ku soo aaday xilli wasiirka Arrimaha Dibadda ee Afghanistan, Amir Khan Muttaqi, uu booqasho rasmi ah ku joogo dalka Hindiya.