Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Ciidanka Israa|l ayaa billaabay inay gaadiidkooda dagaal kala baxaan marinka Qasa, kaddib labo sanno oo weerarro xasuuq ah ay halkaa ka fulinayeen.

SOUTHERN ISRAEL, ISRAEL – SEPTEMBER 17: An Israeli soldier walks near tanks as they are stationed near the border with the Gaza Strip on September 17, 2025 in Southern Israel, Israel. Israel launched its major ground offensive on Gaza City yesterday conducting heavy air strikes overnight forcing tho
SOUTHERN ISRAEL, ISRAEL – SEPTEMBER 17: An Israeli soldier walks near tanks as they are stationed near the border with the Gaza Strip on September 17, 2025 in Southern Israel, Israel. Israel launched its major ground offensive on Gaza City yesterday conducting heavy air strikes overnight forcing tho

Golaha wasiirrada Israa|l ayaa maanta ansixiyay qorshaha nabadda Qasa ee Trump uu soo bandhigay, taa oo la macno ah inay oggolaadeen joojinta dagaalka iyo is dhaafsiga maxaabiista, iyadoo ay wada-xaajoodyo u dhimanyihiin qodobbada kale ee heshiiska.

Wargeyska Israa|l ka soo baxa ee Ynet News , ayaa maanta sheegay inay Israa|l qorsheynayso sii deynta 250 ka mid ah hoggaamiyeyaasha sare ee Xamaas oo ku jira xabsiyadeeda, waxaana la geyn doonaa Qasa ama waxaa loo masaafurinaya Qatar ama Turkiga. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa dhalisay muran iyo cabsi gudaha Israa|l, iyadoo qaar ka mid ah khubarada iyo saraakiisha amniga Israa|l ay si cad uga soo horjeesteen.

Qaar ka mid ah talooyinka soo baxaya ayaa ah in hoggaamiyeyaasha Xamaas la geeyo Daanta Galbeed, halkaas oo ay Israa|l si fudud u maamuli karto dhaqdhaqaaqooda isla markaana marka loo baahdo dib loogu xiri karo. Laakiin waxaa jira walwal weyn haddii lagu celiyo Qasa, sababtoo ah hoggaamiyeyaashaas ayaa laga cabsi qabaa inay dib u dhisaan qaab-dhismeedka hoggaamineed ee Xamaas.

Waxay tusaale u soo qaateen dhacdadii 2011, markii la sii daayay Yaxya Sinwar, kaas oo markii dambe noqday mid ka mid ah maskaxdii iyo hoggaamiyeyaashii ugu saameynta badnaa ee Xamaas.

Dhanka kale, haddii hoggaamiyeyaashaasi loo diro Qatar ama Turkiga, waxay ku sheegeen in halkaas  ka heli doonaan xasillooni iyo difaac siyaasadeed oo ka ilaalin kara Israa|l. Taasi waxay siin doontaa fursad ay dib ugu abaabulaan dhaqdhaqaaqa Xamaas xitaa iyagoo dibadda jooga.