Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Putin ayaa soo hadal qaaday Somalia !

Putin ayaa soo hadal qaaday Somalia !

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa si adag u dhaliilay siyaasadaha reer Galbeedka, isagoo sheegay in ay burburiyeen dalal badan oo Muslimiin ah iyo kuwo kale oo madax-bannaanaa. Putin ayaa yiri, “Waxay burburiyeen Ciraaq, waxay burburiyeen Liibiya, waxayna ku dhowaadeen inay burburiyaan Suuriya. Waxay Masar iyo Tuuniisiya geliyeen xaalad aad u xun, xitaa kama hadli doono wixii ka dhacay meelo kale sida Soomaaliya.”

Wuxuu intaas ku daray in awoodahaas reer Galbeedku markii dambe ay u dhaqaaqeen dhulka uu ugu yeeray “meelihii hore ee Midowgii Soofiyeeti.” Putin ayaa yiri, “Si cad ayay u sheegeen inay ku bixiyeen ku dhowaad shan billion oo doollar si ay u taageeraan afgambigii ka dhacay Ukraine. Maxay tani tahay? Waxay taageereen dullaannno hubaysan oo xukun lagu qabsaday, markii Ruushku uu ka horyimidna, waxay nagu soo rogeen cunaqabateyn.”