Kylian Mbappé oo u dhow rikoodhka gooldhalinta taariikhiga ah ee France
Kabtanka xulka France, Kylian Mbappé, ayaa haatan shan gool u jira inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Les Bleus, kadib markii uu ka qayb qaatay guushii 3-0 ee France ka gaartay Azerbaijan kulankii isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026 ee Jimcihii.
Goolasha Mbappé, Adrien Rabiot, iyo Florian Thauvin ayaa France u suurta geliyay guul sahlan oo ka dhacday Parc des Princes. Goolka Mbappé ka dhaliyay Azerbaijan ayaa ka dhigay inuu hadda leeyahay 53 gool 93 kulan gudahood, isagoo ku dhow rikoodhka Olivier Giroud oo haysta 57 gool 137 kulan.
Xiddigii hore ee Arsenal Thierry Henry ayaa kaalinta saddexaad ku jira (51 gool, 123 kulan), halka Antoine Griezmann (44 gool, 137 kulan) iyo Michel Platini (41 gool, 72 kulan) ay dhameystireen shanta ciyaaryahan ee ugu sarreeya taariikhda xulka France.