Afgaanistaan oo joojisay howlgalkii ay ka waday xadka Pakistan kadib codsi ka yimid Qatar iyo Sacuudiga
Dowladda Afgaanistaan ayaa ku dhawaaqday inay joojisay howlgal militari oo ay ka waday xadka ay la wadaagto Pakistan, howlgalkaas oo lagu bilaabay jawaab ahaan duqeymo ay diyaaradaha Pakistan ka fuliyeen magaalada Kabul.
Afhayeenka dowladda Afgaanistaan, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in go’aanka lagu joojiyay howlgalka uu yimid kadib codsi rasmi ah oo ay soo jeediyeen dowladaha Qatar iyo Sacuudiga, kuwaas oo ku baaqay in la hakiyo dagaalka loona maro wadahadal nabadeed.
Mujahid ayaa tilmaamay in Afgaanistaan ay weli ka go’an tahay ilaalinta madaxbannaanideeda iyo xuduudaheeda, balse ay diyaar u tahay xal nabadeed oo diblomaasiyadeed si looga fogaado xiisad hor leh oo gobolka ka dhalata.