Erdogan oo ku hanjabay inuu ka baaqanayo shirka Masar haddii Netanyahu yimaado, taas oo keentay in booqashadii Netanyahu la joojiyo
Warbixin ay baahisay Warbaahinta Israel ee Hayom ayaa sheegtay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku hanjabay Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah al-Sisi in uusan imaan doonin Masar hadii shirka Netanyahu imaanaayo.
“Diyaaraddaydu kama degi doonto Masar, waxayna dib ugu laaban doontaa Ankara haddii Netanyahu yimaado.” Erdogan ayaa si cad u sheegay.
Turkiga ayaa fariintan si la mid ah u gudbiyay Mareykanka, waxaana ay aad uga caroodeen markii ay arkeen in Mareykanku aanu la raacsanayn mowqifkooda. Kadib wadatashi dhex maray Mareykanka iyo kooxda Netanyahu, ayaa lagu go’aamiyay in la joojiyo booqashada Netanyahu.
• Ilo diblomaasiyadeed oo ku lug lahaa dhacdadan ayaa sheegay in ay jiraan dalal aan weli diyaar u ahayn “tallaabooyinka hal-abuurka leh ee Madaxweyne Trump,” islamarkaana loo baahan yahay waqti dheeraad ah iyo horumar dhinacyo kale ah ka hor inta aan la qaban shir ballaaran oo ay madaxda dalalka gobolka iyo Israa’iil wada yeeshaan.
Trump ayaa doonaya in uu heshiisiiyo Israel iyo dalalka bariga dhexe oo ay ku jiraan Sucuudiga, Suuriya, Iran iyo dalal kale si loo soo afjaro dagaalka mudada dheer.