Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Netanyahu oo ka qaybgalaya Shirka Masar ka dhacaya ee looga hadlay Mustaqbalka Gaza

Netanyahu oo ka qaybgalaya Shirka Masar ka dhacaya ee looga hadlay Mustaqbalka Gaza

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ka qaybgalaya Shirka maanta ka dhacaya Magaalada Sharma Al-Sheekh ee Masar kaas oo looga hadlayo Mustaqbalka Gaza sida dib u dhiska Magaaladaas, Maamulka loo samaynayo, Gargaarka bani aadamnimo & arrimo kale.

Warkaan oo soo baxay kaddib markii Donald Trump uu Booqasho saacado kooban ah ku tagay Magaalada Tel Aviv isla markaana uu kulan gaar ah la qaatay Benjamin Nentanyahu, waxaa markii dambe xoojiyay Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Masar.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Netanyahu uu horay usii raaci doonno Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo kusii wajahan Masar si uu uga qaybgalo shirkaan uu ku tilmaamay mid muhiim u ah sidoo kalena taariikhi u noqonaya.

Benjamin Netanyahu waxaa goobta shirka uu ka dhacayo uga horreeya Madax aanay isku waji fiicnayn oo ah mas’uuliyiintii ka dhiidhisay ama kahor timid xasuuqii uu ka gaystay Magaalada Gaza, diidmadii baaqyadii kala duwanaa ee loo diray & ku dhiirashada colaaddii lasoo afjaray.