Cape Verde oo markii ugu horraysay taariikhda Dalkaas usoo gudubtay Koobka Adduunka
Jasiiradda Dabayshu ku badan tahay ee Cape Verde ayaa taariikhda dalkaas usoo gudubtay Koobka Adduunka, kaddib markii Xulka Dalkaas uu garaacay Eswatini, waxa uu dalkaan u dabbaaldegay in uu xaqiijiyo u tartamidda koobka dhexyaalla xulalka badan.
Arrinta la hadal hayo waxaa kamid ah in Stopira oo ah 37 jir muddo dheer xulkaas usoo dheelayay una suurageli waysay u gudubka tartan caalami ah ayaa baddel lagu keenay waxaana garoonka marqura is qabsaday sacab iyo sawaxan dhanka taageerayaasha ah.
Cape Verde waxa ay liiska Dalalka Afrika soo gudbay la gashay Waddamada kala ah Morocco, Tunisa, Egypt, Algeria & Ghana, xulkaan waxa aad u adkaa in uu helo ciyaartoy balse 25kii sano lasoo dhaafay ayuu xoogga saaray kubadda Cagta.
In ka badan 600 oo kun oo Dadka dalkaas ah ayaa shaqooyinka looga fasaxay si ay u dhiirrageliyaan xulkooda oo ugu dambayn u suurashay in uu xaqiijiyo u gudubka Koobka Adduunka ee 2026 lagu qabanayo Maraykanka, Maksiko & Kanada.
Dalkaan Cape Verde waxa uu barbareeyay Iceland oo ahaa dalka keliya ee yar ee ka qaybgala Koobka Adduunka ee sanadkii 2018kii ee lagu qabtay Dal weynaha Ruushka, waddankaan dhaca Galbeedka Afrika & Bartamaha Badweynta Hindiya ayaa usoo baxay FIFA World Cup 2026.