DF oo Itoobiya ka heshay garab weyn kadib xiisad ka taagan gobolka Gedo
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero xooggan ka heshay Itoobiya, kadib markii ay qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta xiisadda gobolka Gedo.
Wafdi culus oo ka kooban saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka iyo NISA ayaa gaaray degmada Doolow, balse ciidanka Jubbaland ayaa ka hor istaagay inay ka dagaan garoonka magaalada, taas oo ku qasabtay inay dhinaca Itoobiya u gudbaan.
Saraakiishaas ayaa kulan la yeeshay ciidanka Itoobiya ee ku sugan Doolow, iyagoo ka wada hadlay xoojinta amniga iyo nabadeynta gobolka. Wararka ayaa sheegaya in dowladda ay qorsheyneyso in ciidamo dheeraad ah geyso Doolow, arrintaas oo laga cabsi qabo inay kiciso xiisad cusub oo dhex marta dowladda iyo maamulka Jubbaland.
Xiisadda cusub ayaa timid xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda ay qorsheyneyso dhismaha maamul cusub oo sharciyad leh oo beddeli doona maamulka Axmed Madoobe, iyadoo dhacdadani ay daba socoto kulankii dhowaan ka dhacay Adis Ababa ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.