Paul Merson Oo Saadaaliyay Natiijooyinka Kulamada Premier League Ee Usbuucan
Halyeeygii hore ee Arsenal, Paul Merson, ayaa soo bandhigay saadaashiisa kulamada Premier League ee toddobaadkan la ciyaari doono.
Kulamada ugu waaweyn waxaa ka mid ah Liverpool oo Axadda ku martigelin doonta Manchester United garoonka Anfield, halka Nottingham Forest ay Sabtida wajahdo Chelsea.
Merson ayaa sidoo kale saadaaliyay in Arsenal ay guul ka gaari doonto Fulham, halka Manchester City ay ka adkaan doonto Everton.
Saadaasha Paul Merson ee kulamada muhiimka ah:
- Nottingham Forest 1–1 Chelsea
- Fulham 0–2 Arsenal
- Manchester City 2–0 Everton
- Tottenham Hotspur 1–1 Aston Villa
- Liverpool 2–0 Manchester United
Paul Merson ayaa sheegay in Liverpool ay fursad weyn u leedahay inay dib ugu soo laabato wadada guusha, isagoo tilmaamay in Anfield ay mar kale noqon doonto meel adag oo Manchester United wax ku qaado.