Raphinha Oo Shaki La Geliyay Ka Qaybgalka El Clásico
Weeraryahanka reer Brazil ee Raphinha ayaa laga yaabaa inuu seego kulanka weyn ee El Clásico, kadib markii natiijada baaritaanka MRI uu Khamiistii maray ay muujisay in dhaawiciisu weli aanu si buuxda uga soo kaban.
Raphinha ayaa garoomada ka maqnaa muddo saddex toddobaad ah tan iyo markii uu ku dhaawacmay ciyaartii ay Barcelona la ciyaartay Real Oviedo. Inkastoo kooxda lagu qiyaasay inuu soo kabsan doono muddadaas, haddana dhaawiciisu ayaa noqday mid ka culus sidii la filayay.
Waxaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto kulanka Champions League ee ay Barcelona la ciyaari doonto Olympiacos, balse weli ma cadda inuu diyaar u noqon doono El Clásico.
Kooxda Barcelona ayaa doorbideysa in aan la khatar gelin caafimaadka Raphinha, si uu si buuxda ugu soo kabsado kulamada muhiimka ah ee bisha Oktoobar.