Maamulka MW Trump oo kordhiyay weerarrada ka dhanka ah Doomaha looga shakiyay in ay wadaan Daraagiska
Ciidamada Militariga ah ee Maraykanka ayaa kordhiyay weerarrada ka dhanka ah Doomaha looga shakiyay in ay adeegsanayaan burcadda dhaqaalaha badan ka samaysa daraagiska ay geliyaan gudaha dalkaas, waxaana ay fuliyeen dhowr weerar oo aan xog rasmi ah laga bixin.
Maamulka Madaxweyne Trump ayaa sheegay in sababta loo kordhiyay howlgalladaan ay tahay in ay digniin u noqoto kooxaha ka ganacsada maandooriya isla markaana la xoojiyo howlgallada ka socda xuduudaha, Garoomada Diyaaradaha iyo meel weliba oo laga galo Dalkaas.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in tan iyo bishii September sanadkaan lagu dilay howlgallada duqaynta ah ee ciidamada maraykanka ku beegsadeen doomaha ugu yaraan 27 qof oo u badan dadkii la socday doomahaas oo burbur xooggan la gaarsiiyay.
Dhanka kale, warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in uu si lama filaan ah isku casilay Taliyihii ciidankaas oo aan si dhab ah loo shaacin sababta keentay iscasilaaddiisa, waxa ay dadka qaar ku doodeen in uusan ku qancin qaabka loo wado howlgalladaan.
Maraykanka ayaa difaacay weerarradaan dhimashada iyo burburka hanti dhaliyay, Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu howlgalkaan yahay mid looga hortagayo kooxo uu u yaqaan in ay yihiin Argagixiso oo garab ka helaya Venezuela.