Golaha Wasiirradda Maamulka Waqooyi Bari oo lagu dhawaaqay (Akhriso Magacyada)
Wareegto caawa kasoo baxday Madaxweynaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya Axmed Aw- Cali Firdhiye , ayaa lagu magacaabay golaha cusub ee Wasiirradda maamulka Waqooyi Bari.
Wasiirradda maamulka Waqooyi Bari ee la magacaabay , ayaa ka kooban 21 wasiir oo ay ku jiray qaar kamid ah Wasiirradii hore ee maamulka SSC Khaatumo, waxaa sidoo kale wasiirradda ku jir kuwa cusub.
MAGACAABISTA XUBNAHA GOLAHA WASIIRADA
Madaxweyne Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Axmed
Markuu Arkay: Qodobka 72aad ee Dastuurka Dawladda Waqooyi Bari.
Markuu Arkay: Hawlaha baaxadda leh ee horyaala dawladda Waqooyi Bari
Markuu garowsaday: Baahida loo Qabo dhismaha Golaha Fulinta dawladda
Markuu Latashaday: Madaxweyne Ku xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.
Wuxuu xeeriyey in laga bilaabo caawo oo taariikhda tahay 19-10-2025 ay xubnaha Golaha Wasiirada Dawlada Waqooyi Bari noqdaan mudanayaasha iyo Marwooyinka hoos ku xusan:-

