Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Tababare Ruben Amorim Oo Beeniyay In Mainoo Iyo Zirkzee Ay Ka Tagayaan Man United

Tababare Ruben Amorim Oo Beeniyay In Mainoo Iyo Zirkzee Ay Ka Tagayaan Man United

Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in Kobbie Mainoo iyo Joshua Zirkzee ay kooxda ka tagi doonaan bisha Janaayo, marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Labada ciyaaryahan ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibtoonaya inay helaan fursad joogto ah oo ay ku ciyaaraan, iyadoo Mainoo uusan weli hal kulan kusoo bilaaban Premier League, halka Zirkzee uu saddex jeer oo keliya beddel ahaan kusoo muuqday.

Amorim oo ka hadlayay shir jaraa’id ka hor kulanka adag ee ay la ciyaarayaan Liverpool, ayaa yiri:

“Waa wax caadi ah in ay jiraan warar iyo buuq ku saabsan ciyaartoyda aan ciyaarayn. Ciyaartoydu waxay rabaan inay ciyaaraan, anigana waan fahamsanahay, laakiin waa ciyaartoydeena, waxaana u baahannahay dhammaantood si aan xilli ciyaareed wanaagsan u yeelano.”

Tababaruhu wuxuu intaas ku daray inuu ku kalsoon yahay kartida labada ciyaaryahan, isagoo ku booriyay inay muujiyaan dulqaad maadaama ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan qorshihiisa xilli ciyaareedka.