Booyad shidaal oo ku qaraxday Nigeria oo sababtay dhimashada 29 qof & dhaawaca 42 kale!
Jidka isku xira Magaalooyinka Bida & Agaie ee Gobolka Niger waxaa ka dhacay shil sababay dhimasho iyo dhaawac kaddib markii Booyad shidaal waday ay rogmatay, markii Dadka deegaanka isku dayeen in ay shidaalkaas uruursadaan uu dab ka kacay isla booyaddii.
Inta la xaqiijiyay 29 qof ayaa geeriyootay halka dhaawaca uu gaarayo 42 kale, waxaa la geeyay goobaha Caafimaadka si loo daweeyo waa dadka dhaawacmayee, waxaana kooxaha gurmadka ay sameeyeen gurmad degdeg ah.
Sababta shilka keentay waa burbur xooggan oo waddooyinka ka muuqda, guddiga Gaadiidleyda ayaa marar badan cabasho u gudbiyay Dowladda Nigeria iyaga oo u sheegay dhibaatooyinka ay ku qabaan burburkaas oo sababa rogmashada Gawaarida.
Bishii Maarso sanadkaan shil kan lamid ah balse ka khasaara yar waxa uu ka dhacay Magaalada Abuja ee caasimadda Nigeria, Dowladda waxa ay sheegtay in ay cashir ka qaadatay balse ma dhicin sidaas oo mid ka khasaara badan ayaa shalay dhacay.
Gobolka Niger waxaa Janaayo ka dhacay shilkii ugu dhimashada badnaa ee la xiriira booyadaha shidaalka ee rogmada kaddibna dabka ka kaca, 98 qof ayaa ku dhimatay kuwaas oo ahaa dad doonayay in ay gurtaan shidaalka daaday oo markii dambe musiibo nafta dhaafiya ku noqday.
Madaxweynaha Nigeria Bola Ahmed Tinubu ayaa tacsi kaddib sheegay in Dowladdiisa ay si degdeg ah wax uga qabanayso xakamaynta aafadaan si ugu yaraan Dadka looga wacyigeliyo halistaaan isla markaana la dhiso waddooyinka burbursan.