Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

ChatGPT oo fashilisay xaalada ay ku sugan yihiin boqolaal kun qof oo kamid ah dadka ku xiran

ChatGPT oo fashilisay xaalada ay ku sugan yihiin boqolaal kun qof oo kamid ah dadka ku xiran

Shirkadda OpenAI ayaa soo saartay qiyaaso cusub oo ku saabsan tirada dadka isticmaala ChatGPT ee muujinaya calaamado suurtagal ah oo farta ku fiiqaya xaalado degdeg ah oo dhanka caafimaadka maskaxda ah — oo ay ka mid yihiin wareer, waalli (psychosis), ama fikirro isdilid ah.

Shirkaddu waxay sheegtay in qiyaastii 0.07% isticmaaleyaasha ChatGPT ee firfircoon usbuuc kasta ay muujiyaan calaamado noocaas ah, iyadoo intaa ku dartay in chatbot-ka sirdoonka macmalka ah (AI) uu aqoonsado oo uu ka jawaabo wada sheekaysiyada noocan ah ee xasaasiga ah.

Inkasta oo OpenAI ay sheegtay in kiisaska noocan ahi yihiin kuwo “aad u dhif ah,” haddana dhaleeceeyayaal ayaa tilmaamay in boqolleydaas yar uu wali ka dhignaan karo boqolaal kun oo qof, maadaama ChatGPT uu dhawaan gaadhay 800 milyan oo isticmaaleyaal firfircoon usbuucii, sida uu sheegay madaxa shirkadda, Sam Altman.

Iyadoo cadaadis iyo indho-indhayn badan la saarayo, shirkaddu waxay sheegtay inay dhistay shabakad khubaro caalami ah oo la talinaysa, taas oo shaqadoodu noqon doonto si loo xakameeyo arrimahan.