Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Wayne Rooney Oo Eedeeyay Salah Iyo Van Dijk Sababna Ugu Sheegay Hoos U Dhaca Liverpool

Wayne Rooney Oo Eedeeyay Salah Iyo Van Dijk Sababna Ugu Sheegay Hoos U Dhaca Liverpool

Weeraryahankii hore ee Manchester United Wayne Rooney ayaa si adag u dhaliilay Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk, isagoo ku eedeeyay inay sabab u yihiin hoos u dhaca qaab ciyaareedka kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa guuldarro la kulantay afartii kulan ee ugu dambeeyay, taasoo keentay in ay toddobo dhibcood ka dambeyso hoggaamiyayaasha Arsenal.

Rooney ayaa sheegay in labada xiddig aysan muujin hoggaan dhab ah, islamarkaana luqadda jirkooda ay ka tarjumayso niyad jab iyo kalsooni darro, taas oo saameyn ku yeelatay ciyaartoyda kale ee kooxda.

Wuxuu ku tilmaamay qaab ciyaareedka Salah “mid walaac leh”, halka uu Van Dijk ku dhaleeceeyay inuusan u muuqan hoggaamiye garoonka dhexdiisa.