Mareykanka oo tijaabiyay hub Nukliyeer ah iyo Ruushka oo sabab u ah
Madaxweynihii Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku amray in saraakiisha ciidamada Mareykanka ay tijaabiyaan hubka nukliyeerka si ay ula tartamaan dalalka kale sida Ruushka iyo Shiinaha.
“Sababtoo ah barnaamijyada tijaabinta ee dalalka kale, waxaanaan faray Wasaaradda Dagaalka inay bilowdo tijaabinta hubkeena Nukliyeerka si siman,” ayuu ku qoray baraha bulshada ka hor kulankiisa Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ee Koonfurta Kuuriya.
Trump wuxuu sheegay in Mareykanku haysto hubka nukliyeerka ee ugu badan caalamka, Ruushkuna yahay kan labaad, halka Shiinuhu yahay “mid si weyn uga hooseeya.” Mareykanku ma samayn tijaabo hub nukliyeer ah tan iyo 1992.
Tani waxay timid maalmo yar kadib markii Trump uu cambaareeyay Ruushka oo la sheegay inuu tijaabiyay gantaal nukliyeer ah oo awood u leh inuu safar dheer sameeyo.